Almisnews

War Deg Deg Ah :Wasiirkii Warfaafinta Ee Xilkii Laga Qaaday Maanta Oo Gacan Ka Jebiyey Agaasime Waaxeed Uu Isniiintii Hore Ka Eryey Shaqada.

4507

Wasiirkii hore hore ee Warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale oo maanta Duhurkii xilkii uu ka qaaday Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa gacan ka jebiyey Guddoomiyiyihii Wargeysa Dawan Media Group Maxamed Cismaan Mire (Sayid), kaas oo uu isniintii hore Xilka ka waaday Wasiir Boobe isaga iyo Axmed Saleebaan (Dhuxul) oo ahaa Agaasimaha TV-ga qaranka Somaliland.

Maxamed Cismaan Sayid oo khadka Telefoonka ugu waramay shabakadda Almisnews, ayaa ka sheekeeyey sidii uu u jebiyey Boobe, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi  “Boobe waxa warqadda logu keenay huteelka Maansoor, anigu waan joogay huteelka, markaa aniga oo rag la taagan oo sii jeeda ayuu xuurto igu qabtay luguhana uu iskugu kay dhuftay markaa dhulka ayaan ku dhacay oo gacan ayaan ka jabay”

Hargeysa Office